war nin yahoow aniga afkeeygaa halkaan ikeenay ee adigane afkaada yuusan halkaan ku keenin.
ninkii ayaa cararay oo utahay boqorkii magaalada oo ku dhahay boqoroow waxaan soo arkay madax dad oo marhore dhintay hadane aniga ayuu ila hadlay.
boqorkii ayaa ku dhahay muxuu kudhahay madax adiga kula hadlay.
wuxuu idhahay ninyahoow aniga afkeeygaa halkaan ikeenay ee adigane yuusan ku keenin.
haye nasoo tus madaxaas adiga kula hadlay ninkee iyo boqorkii iyo ciidankiisa ayaa soo aaday miiga baadiyaha oo uu yaalay madaxa
marlii loo imaaday madaxii wuu aamusay ninkii ayaa la dhahay aaway waxa hadlaayay ee aad noo sheegtay wuxuu dhahay ninkii anigaa ka hadashiinaayo afka ayuu ushii uuwatay ka galiyay oo uu dhahay war ha iceebeenin ee hadal
madaxii mahadlin boqorkii ayaa dhahay war nagatag been ayaa noo sheegtay
boqorkii ayaa katagay
kadib madaxii iyo ninkii ayaa isku haray madaxii ayaa ku dhahay war afkeeygaa halkaan ikeenay ee adigane afkaada yuusan ku keenin
ituu boqorka uqeeliyay ayuu dhahaya boqoroow soo carar wuu hadlay
3 jeer ayuu boqorka soo celceliyay kadibna madaxii uu aamusaayay
marlii 4aad marka uu boqorka wacay uu madaxane aamusaayay ayaa waxaa lagu dhahay ninkii war ma anigaa doqon imooday markaad igu ciyaareeyso
madaxa ayaa laga jaray ninkii waana laga tagay
No comments:
Post a Comment