Monday, February 20, 2023

Qoraalsan iyo galgacal kusoo dhawaada sheekadii lamagac baxday ISFAHANLA AAN JACEEL GUUR SHISHEEYE AYUU SABABAA qeebtii 12aad ee sheekada

 Xamdi oo ka walaacsan jaceelkeeda curdanka ah oo ku fashilmay balantii ugu horeeysay oo ahaa kulanka gogol dhiga jeceelka sanadkaas 

Ayadoo ka xun arinkaas ayey ku calaan cashay 

Ala ceeboobay oo 

Cadaabmay 

Cirka maa igu soo dumay mise 

Cidlaan kulugeeyaa 

Calafkeeyga xumaaday midkii aan 

Calmaday iga 

Ciishooday 

Cadoowbuu ii arkaa 

Cuqdat iiqaaday ana 

Caloolyoow la ooynaa 

Cadaalad jaceel meel aan u

Cugsado yaa ii 

Cadeeyo ruux aan 

Cararikarin baan la 

Ciisoodee 

Caadiloow ilaahoow 

Cadaab weeye jaceelkuye iiga 

Ceemi adaa 

Ceeymiya ahee.

Inkastoo xamdi cid war ka heeysaa aanan jirin jaceelka halista ah ee haayo xamdi hadana hadii la ogaado 

Waxa ay ka cabsaneeyso waa in lagu caayo oo la dhaho qof aysan arkin ayey la waalatay 

Dhanka kale hanad oo aad u xanaaqsan oo ay ka muuqato fooryo iyo nin lagu qalajiyay darbi ayaa tagay xaafada toowfiiq oo uu caanka ka ahaa waxa uu fadhiistay darjiinkii balanta saaxiibadiisa oo ay kuwada caween jireen asxaabtii ayaa maanta hanad u arkaan in ay wax ka qaldanyihiin ayagoo isugu dareen kaftan gacanqaad saaxiibtinimo ayey ku dhaheen war hanad zxb maanta maxaa kaa qaldan ayeeyadaa miyaa dhimatay ama 

Farmashiga kuuloow ayaa soo martay kkkkkk 

Kkkkkk maya maya anigaa aqaano waa arin jaceel ayuu mid kamid ah ka dhawaajiyay hanad ayaa markiiba la soo booday 

War shaah maan cabno oo noo waca gabadha shaaha maanta madaxa ayuu igu soo xanuunay xafiiska marka buuqa iga yareeya asxaabeey

No comments:

Post a Comment

Romanian

Waa galab farxadeeda wadata masha allah

The latest packages are beautiful